X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Djibouti Lagu Soo Dhoweeyay

Araweelo News Network

Djibouti(ANN)– Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay gaadhay magaaladda Djibouti ee Caasimada dalkaa, waxaana goroonka diyaaradaha  ku soo dhoweeyay Ra’iisal Wasaaaraha Dalka Djibouti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya , waxa Xubnaha waftigiisa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta  Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, waxaana u qorshaysa in ay booqasho labo cisho ah  ku joogaan magaaladda Djibouti.

Ra’iisal Wasaare Khayre, ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda  kulan la qaato  Madaxwayanaha dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, iyadop la filayo in ay  ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka wadashaqayneed  ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Djibouti ka wado gudaha Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

Maxamed Cabdicasiis Dhuubka
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post