X
    Categories: Warar

Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Ka Hadlay Munaasibad Lagu Xusay Sanad-guuradii 74aad Ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa  ka qeyb galay sannad-guurada 74-aad ee aas-aaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna hambalyo u diray dhammaan Taliska iyo qeyaha ciidamadda Booliska munaasabadda 20-ka December awgeed.

Mudane Khayre waxuu tilmaamay muhiimadda ay ciidanka Booliska u leeyihiin Qaranka islamarkaana ku amaanay sida geesinimada leh ay u gudanayaan waajibaadkooda. Isagoo ubax dhigay taallo loo sameeyey askartii ku shahiiday falkii argagixiso ee dhowaan ka dhacay dugsiga tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Boliska Somalia

“Waxaan hambalyo u dirayaa Taliska iyo heerarka kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aan maanta u dabaal dagayno sanadguuradii 74-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay”.Ayuu yirdhi Khayre.

Booliska Somalia

Ra’iisal  Wasaare Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in Boolisku yahay halbowlaha nabadda iyo dhowrista sharciga, isagoo ugu baaqay inay laban laabaan waxqabadkooda oo ay  feejignaadaan hadh iyo habeenba, si looga hortago, wuxuu ugu yeedhay dhagarta caddowga, loona baajiyo dhiiga shacabka oo ay kooxaha nabadiidku sida micno darida ah u daadinayaan.

Waxaa goob joog ka ahaa munaasabadda xubno ka tirsan labada gole, gobolka Benaadir, saraakiil, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey gaada ka ciyaar qurux badan oo sameynayeen ciidanku.

—DHAMMAAD—-

Axmed-nur Maxamed
Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post