X
    Categories: Warar

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Oo Booqday Muqdisho Iyo Ujeedada Booqashadiisa

Araweelo News Network

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Turkiga Mr. Veysi Kaynak oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay.


Muqdisho(ANN)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Turkiga Mr. Veysi Kaynak, ayaa booqasho ku tegey magaalada Muqdisho ee xarunta Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaliya Eng. Mahdi Axmed Guuleed iyo masuuliyiin kale ayaa kusoo dhoweeyay Madaarka.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu yidhi sidan:-

“Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Qalabka Dawladda Turkigu siiyay Xukuumadda Muqdisho


Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxayna laba masuul isla soo qaadeen xoojinta xidhiidhka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post