X
    Categories: Warar

Raila Odinga: Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya Oo Fagaare Loogu Dhaariyey Xilka Madaxweyne

Araweelo News Network

 

Raila Odinga

Nairobi(ANN)- Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Mr. Raila Odinga, ayaa fagaare dad isugu soo baxeen loogu dhaariyey madaxweynenimada dalkaas saacadihii lasoo dhaafay.

 

Xilka Madaxweynaha Kenya waxa hore loogu dhaariyey Uhuru Kenyatta oo haatan talada dalkaas gacanta ku haya.
Mr. Raila ayaa kummanaan qof taageerayaashiisa ah oo isugu soo baxay beerta Uhuru ee caasimadda Nairobi hortooda loogu dhaariyey in uu yahay madaxweynaha shacabka Kenya, waxaannu ku dhaartay in uu ilaalin doono dastuurka dalka, isla markaana uu hoggaamin doono qaranka Kenya.
Xilliga la dhaarinayey waxa hareeraha ka taagnaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha waaweyn ee mucaaradka ee Kenya, balse goobta ka maqnaa siyaasiga caanka ah ee Kolonzo Musyoka oo ku-xigeenkiisa ah.
Hadal kooban oo uu Raila u jeediyey taageerayaashiisa markii la dhaariyey kadib, waxa uu ku sheegay in shacabka reer Kenya iska ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka keligii talisnimada ah.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, ayaa uga digay Raila dhaarinta xilka madaxweynenimada oo uu xusay inay tahay fal khiyaamo qaran ah, ciqaabtiisuna noqonayso dil toogasho ah.
Tallaabada cusub ee ku kacay hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, ayaa si weyn looga cabsi qabaa inay horseeddo qalalaase siyaasadeed oo markale dalkaas ka istaadhma, maadaama aanay suurtogal ahayn in waddanku laba madaxweyne yeesho.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post