X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Shirqool Lagu Khaarajiyay Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga

Araweelo News Network

Mogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa cambaareyey dilkii maanta magaaladda Muqdisho loogu geystay Allaha u naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxmaed Xaaji Ibraahim oo ahaa Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Dawladdii KMG ahayd.

Raysal Wasaaraha ayaa tacsi u diray eheladdii , Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriday Allaah naxariistee Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, ” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, Alaah naxariisto Jannadii Fardowsana Allaah haka waraabiyo Marxuum Muxyadiin Maxamed Xaaji, sabar iyo iimaan Alaah ha siiyo Ehaladdii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed” ayuu yidhi Raysal Wasaaruhu.

“Waxa uu ahaa nin howl¬kar ah oo wax badan u soo qabtay Dowladda Soomaaliyeed, Dowladahii KMG ahaa iyo umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel,mana hilmaami doono taariikhda ayaa xusi doonto”ayuu yidhi Raysal Wasaaraha.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxahii ka dambeyey dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba, wuxuunna ugu baaqay ciidamadda ammaanka in sida uga dhaqsaha badan war uga keenaan kooxaha dilka geystay.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post