X
    Categories: Warar

Safaaradda Somaliland Ee Imaaraadka Oo Bulshadda Ku Wargelisay Dhakhaatiir Ka Socda UAE Oo Kusoo Waajahan Dalka

Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Xafiiska Somaliland Mission UAE wuxuu ku wargalinayaa dadweynaha reer Somaliland in maalinta Khamiista ee bishu tahay 26-ka, April, 2017, ay dalka Jamhuuriyada Somaliand iman doonaan haddii Alle idmo kooxo dhakhaatiira oo ka socda dalka aynu walaalahanay ee Imaaraadka Carabta gaar ahaan (Zayed Giving Medical Initiative).

Kooxahaasi oo isugu jira dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaal caafimaad tiradooduna dhan tahay 18 qof, ayaa inta ay joogaan Somaliland waxay hawlgal caafimaad oo kala duwan ka fullin doonan goobo dhawra oo dalka gudihiisa ah. Haddaba waxaanu ku wargelinaynaa shacbiga reer Somaliland in ay soo dhaweeyaan una diyaar garoobaan gargaarkaa binu aadaminimo ee ay dadkeena u fidinayaan dhakhaatiirtaasi. Taasi oo ku timid dedaal iyo karti ay saxaafadu ka geysatay in ay dadkeeda abaaraha iyo xaalada caafimaad daro isugu darsan tahay u helaan dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal heer caalami ah.

Hawlgaladan caafimaad ee ay Hay’adda Khayriga ee Zayed Giving Initiative fullinayso oo bilow ah, ayaa noqon doonaa kuwo ay dalkeena ka fullinayaan sannadkii dhawr jeer, iyagoo iska kaashan doona Wasaarada Caafimaadka Somalliland wasaaradda Caafimaadka ee Imaaraadka Carabtu.

Allaah Mahadleh

Somaliland Mission UAE

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post