X
    Categories: Warar

Shirka Dawladda Federaalka Qorshaysay Ee Fashilmay

Madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya ee Jubland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, Image File Araweelo News Network.

Muqdsiho(ANN)- Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya ee la filyay in uu ka furmo magaalada Muqdisho, ayaa gebi ahaanba burburay.

Shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii hore ee April 2025, ayaa markii labaad dib u dhacay, iyadoo aannay Villa Somalia wax war ah kasoo saarin sababta keentay inuu shirku dib u dhaco markii labaad, wallow aan sababta baaqashadiisa aan la sheegin.

Xukuumadda dawladda Federaalka ayaa sheegtay in Ajendaha shirka arrimaha lagu soo qaadayo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo sidii midnimo qaran loogu wajihihii lahaa.

Hase yeeshee shirka ayaa la saadaalinayay in aannay ka qaybgelayn shirkaa madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubba lanad kuwaas oo ah labada maamul ee ugu awoodda baddan marka loo eego maamul goboleedyada kale ee ka jira Soomaaliya.
Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Somalia, Xamse Cabdi Bare ayaa dhowaan mar uu booqasho ku yimi Maagaalada laascaanood ee xarunta gobolka Soool oo ka tirsan Somaliland, ayaa balanqaaday in maamulka SSC ee Khaatumo ka qaybgalayaan Shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya, iyadoo aannay SSC Khaatumo ahayn maamul goboleed sharci ah oo waafaqsan Dastuurka dawadda Federaalka ee Soomaaliya.

Balanqaadka Ra’iisal Wasaaraha ayaa loo arkay mid la doonayo in lagu carqaladeeyo maamulka Puntland oo dawladda Federaalka ay si xun u ficiltamayaan xagga siyaasadda iyo weliba si loo wiiqo midnimada dhuleed iyo juquraafi ee Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama gobolka Sool ka mid yahay dhulka Somaliland, waxyna dawladda Federaalku uga faa”idaystay qorsheheeda siyaasadeed iyo booqashada Laascaanood ee ra’iisal wasaaraha collaada sanadii u danbeeyay ka jirtay deegaanka, taas oo aan weli xal ah loo helin.

Dhinaca kale, casuumadda dawladda Federaalka ee SSC Laascaanood ayaa lagu macneeyay mid baalmarsan dastuurka daawladda Federaalka, isla markaana waxa loo arkay mid lagu abuurayo carqalad siyaasadeed iyo burburin collaad lagaga abuurayo meelaha keliya ee xasiloonidu ka jiratay, sida Somaliland iyo weliba maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post