X
    Categories: Warar

Shirkadda Dahabshiil Group Oo Deeq Raashin Ah Gaadhsiiyay Dadka Abaaruhu Ku Habsadeen Ee Gobolka Awdal

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Shirkada Dahabshiil Group Qaybteeda Gobolada Galbeedka Somaliland ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay dadka abaaruhu haleeleen ee Gobolka Awdal, Deeqdan Raashinka Ah Oo La Gaadhsiiyay 100 Qoys oo ku nool degaanka Lughaya gaar ahaan Riiga Kalowle ee Gobolka Awdal halkaas oo ay abaaarta hordhaceedu si kulul u taabatay.

Deeqdan Caawimada ah oo uu ka qayb qaadanayay Gudoomiyaha Shirkada Dahabshiil Gobolada Awdal/Selel Alxaaji Ismaaciil Riiraash ayaa warbaahinta uga waramaya deeqdan iyo waxa ay ka koobantahay, waxan uu sheegay in deeqdan ay ugu talo galeen 100 Qoys oo ka mid ah dadka danyarta ah ee ay abaarta xiligan degaanada Gobolka Awdal gaar ahaan Degmada Lughaya, Degaano hoos yimaado oo ay ka mid tahay Riiga Kalowla taas oo uu sheegay inay si adag u asiibtay Abaartu,waxa uuna sheegay deeqdan inay ka kooban tahay,Bariis, Sonkor,daqiiq Iyo Saliid.

Gudoomiye riiraash ayaa sidoo kale sheegay in shirkada DAHABSHIIL Group tahay mid had iyo jeeraale u taagan is garab istaaga iyo taakulaynta dadka jilicsan meel kasta oo ay joogaan maadaama ay yihiin dadka ay u adeegaan ee Macmiilkooda ah, yihiin ka shirkad ahaan kuwo abaalka ay ku leeyihiin dib ugu celiya waxa ay ka shaqaystaan.

Ugu danbyn gudoomiye Riiraash waxa uu ugu baaqay shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay ka qayb qaataan dadkooda abaaruhu ku habsadeen ee ku nool Meel kasta oo ay abaari ka jirto gaar ahaan midan haatan ka taagan Gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee Shirkada Dahabshiil ayaa noqonaysa Shirkadii ugu horeysay ee ka jawaabta qaylo dhaanta ka soo baxday abaarta haleeshay dad badan oo ku nool xiligan xeebaha galbeedka ee Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal, taas oo ay soo dhaweeyeen uguna farxeen dadkii la gaadhsiiyay Deeqdan Raashinka ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post