X
    Categories: Warar

Sidee ayuu Saddaam Xuseen U Noolaa Maalmihiisii U Dambeeyey

Araweelo News Network

Madaxweynahii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen ayaa maalmihiisii u dambeeyey noloshiisa waxa uu ku qaatay xaalad firfircooni iyo niyad sami leh, isagoo mararka qaarkoodna dhegaysan jiray heesihii uu jeclaa, sidan waxaa xiligan daaha ka qaaday Askari Maraykan ah oo ka mid ah ilaaladii xabsigii lagu hayey saddaam xuseen iyo saaxiibadiisa shaqada.
Askarigu waxa uu leeyahay Saddaam waxa uu kaxaysan jiray Baaskiil uu ku dhex wareejin jiray beertii uu lahaa xabsigii lagu hayey, sidoo kalena uu daryeeli jiray ramaaska ka soo baxa beerta illaa ay ka noqdaan dhir ubax leh oo indhihiisa u roon, xilli uu sugayey fulinta xukunkii dilka ahaa ee la saaray madaxiisa.

Wargayska The telegraph ee dalka Britain oo waraysi ka qaaday askarigaasi maanta oo sabti ahayd waxa uu baahiyey in askarigu sheegay in Saddaam Xuseen uu si caadi ah ula sheekaysan jiray askarta Maraykanka ah ee ilaalin jirtay xitaa habeenkii u dambeeyey noloshiisa, askartaa oo badanaa iyaguna uga warami jiray sheekooyin ku saabsan qoyskiisii iyo ragii kale ee uu ka waraysan jiray xaaladoodaba.
Saddaam Xuseen ayaa Ciidamada Maraykanku qabteen Bishii december sanadkii 2003, waxana ay deldeleen muddo 4 sanadood ah ka bacdi.

Hussein kurdi

xogtadunida.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post