X
    Categories: Warar

Somalia: Maamul Goboleed Mamnuucay Diyaaradaha Ka Yimaada Muqdisho

Araweelo News Network

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle

Somalia- Cadaado(ANN)-Maamulka Galmudug’ ayaa ka mamnuucay in ay Magaalada Cadaado kasoo degaan Diyaaradaha ka yimaada dhinaca magaalada Muqdisho ee Xarunta u ah dawladda Federaalka Soomaaliya.

Sebteedmbar 2017 Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ayaa

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa lagu sheegay in Garoonka magaalada cadaado kaga mamnuucay Diyaaraha ka soo baxa magaalada muqdisho markii laga reebo kuwa AMISOM iyo Diyaaradaha samafalka

Qoraalka laguma sheegin sababta  Madaxtooyada Galmudug uga mamnuucday Madaarka Cadaado diyaaradaha muqdisho, balse waxa lagu sheegay War-saxaafadeedka in Ilaa amar dambe duulimaadka Muqdisho laga mamnuucay garoonka magalaada  Cadaado ee Xarunta Maamulka Galmudug ee badhtamana Soomaaliya.

 

Go’aan kaan ayaa ku soo beegmaya,  iyadoo maanta la filiyay in ay muqdisho ka baxaan Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in ay taageersan yihiin Xil ka qaadiatii Madaxweyne Xaaf.

sidoo kale waxa go’aanku kusoo beegmay iyadoo ay sii kordhay xiisada Khilaafka Dalalka Khaliijka ee hadheeyay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Iyo Maamul goboleedyada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post