X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Musuq-maasuqa Iyo Amni Xumada

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaadhsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xidhiidha, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.

“Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ka fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah” ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Kheyre.

“Ma aqbali doono aniga iyo madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yidhi.

“Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.

“Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.

—-DHAMMAAD—-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post