X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay Magaalada Doha ee dalka Qatar, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda Norwey Børge Brende, waxayna ka wada hadleen arrimo ku aadan horumarinta xidhiidhka labada wadan.sidaana waxa lagu sheegay Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somalia.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimda ay leedahay sii xoojinta xidhiidhka labada dal ee soo jireenka ah. Waxaana uu si weyn uga mahad celiyey doorka ay dawladda Norway ku leedahay dib-u-dhiska Soomaaliya. Isagoo dhinaca kale sheegay in uu soo dhowaynayo sida dawladiisu ay xilligan ugu heelan tahay in ay gacan ka gaysto dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

“Xidhiidhka u dhexeeya labada dawladood waa mid aad u xooggan, taageerada ay Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib¬-u–dhiska dalka, kadib, burburkii xoogganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Qoraalka waxa kale oo lagu Sheegay in Mudane Xasan Cali Kheyre Kheyre kulankii uu la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Norwey Mr. Børge Brende kaga warbixiyey xaaladaha dalku marayo, iyo horumar Uu Sheegay in ay dawladdu ka samaysay dhanka dawlad wanaagga iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Norway Børge Brende ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , wuxuuna tilmaamay in dawladdiisu ay si toos ah u garab taagan tahay lana shaqeyn doonto dawladda Somalia.

DHAMAAD

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post