X
    Categories: Warar

#Somaliland: Fadhigii Golaha Wasiiradda Oo Lagaga Hadlay Siyaasado Iyo Xeerar

Muuqaalka shirka golaha wasiiradda Somaliland

Hargeysa(ANN)-Fadhiga 31-aad ee shirka golaha wasiiradda Somaliland, ayaa lagaga hadlay xeerar iyo siyaasado la horgeeyey, isla markaana la dalbay in la soo gudbiyo xeerar muhiim ah oo baaahi weyn loo qabo,

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa lagaga dooday, Kal-fadhigii 31-aad Ee Golaha wasiirradda Somaliland Maanta, kadibna lagu ansixiyey Siyaasadda Shaqaalaha Rayidka Ah.

War-saxafadeedka, ayaa u dhignaa sidan:-

“Kal-fadhigii 31-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici),  ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21/03/2019, waxa lagu ansixiyey siyaasadda shaqaalaha rayidka ah oo ay golaha horkeentay Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoysku.

Waxa kale oo goluhu warbiximo ka dhegeysteen wasaaradaha horumarinta maalgashiga iyo dhalinyarada iyo ciyaaraha, ugu horayntiina wasiirka maalgashiga ayaa golaha ka horjeediyey qorshe hawleedka wasaaraddaasi, isagoo ku dheeraaday muhiimada maalgashiga, horumar muuqdana ka sameeyeen iibgeynta maalgashiga dalka, isagoo xusay inuu si xawli ah u socdo maalgashiga gudaha ee muwaadiniintu. Isla markaana ay xidhiidho la sameeyeen maalgashadayaal caalamiya, si looga faa’iideeyo khayraadka dihin ee waddanka, korna loogu qaado kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka da’ yarta.

Dhinaca kale Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa golaha u sharaxay dedaalada wasaaraddu ugu jirto jihaynta dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu wasiirku tilmaamay inay ku hawlan yihiin dardargelinta ciyaaraha kala duwan iyo dhiirigelintooda.

Ugu danbayntiina waxa uu goluhu dood dheer ka yeeshay wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah Xeer/No/31/2004, sidoo kale waxa goluhu soo jeediyey in la horkeeno xeerka maamulka dhulka ee wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, si xal waara loogu helo khilaafaadka dhulka.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post