X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Djibouti Oo Heshiis Kala Saxeexday

Wasiiradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, 14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.


Heshiiska Labada Dal Ayaa La Xidhiidha Dhanka Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda

Djabouti(ANN)-Dalalka Somaliland iyo Djibouti, ayaa kala saxeexday Heshiis dhanka isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ah.

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiwali Sh. Cabdullaahi Suufi oo maanta kusoo laabtay Magaalada Hargeysa, kadib booqasho saddex maalmood ah oo ay ku tageen Djibouti horaantii todobaadkan, waxa uu warbaahinta hadal kooban oo la xidhiidha ujeedada safarkaa ku sheegay in ay heshiiskaa wada saxeexdeen labada dawladood ee Somaliland iyo Djibouti.

Dr. Cabdiweli, wuxuu sheegay in isaga iyo xubnaha safarkaa ku weheliyay kulamo iyo shirar dhexmaray masuuliyiinta dhiggooda ah ee Djibouti arrimo la xidhiidha addeegyada dhinaca Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha, kadibna ay saxeexdeen heshiiskaa oo labada Wasiir ee Boosaha, Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyadda ee Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi iyo dhigiisa Djibouti Cabdi Yuusuf Suge qalinka ku duugeen.

Dhexda labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, dhinacyada labada wakiil ee labada dal, 14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.

Heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Djibouti, wax faahfaahin ah kama bixin Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh  Cabdullaahi, wuxuu ku tilmaamay mid horumar u ah dhanka Bulshadda Somaliland.

labada Wasiir ee Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiwali Sh. Cabdilaahi Suufi iyo Djibouti, Cabdi Yuusuf Suge, labada wakiil ee labada dal iyo saraakiil kale, 14 March 2019, Djibouti. Araweelo News Network.

Ma cada waxyaabaha nuxur ahaan uu xanbaarsanyahay heshiisku iyo xiliga ay labada xukuumadood dhaqan gelinayaan, waxaana Wasiirka ku weheliyay Wakiilka Somaliland u fadhiya Djibouti, CabdiFataax Siciid, Wakiilka Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar, Agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim ee wasaaradda  Isgaadhsiinta Iyo Tiknaloojiyadda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post