X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta Oo Kala Saxeexday Heshiis La Xidhiidha Adeegyada Aasaasiga Ah

Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka carabta, ayaa kala saxeexday heshiiska lagu tilmaamay in Uu yahay mid taariikhi ah oo lagu fulin doono mashaariic horumarineed oo ay Somaliland ka fullindoonto dawladda Imaaraadka carabtu qaybo ka mida Somaliland.

Mashaariicdaa oo ay ka mid yihiin waddada marinka ganacsi ee isku xidhi doonta Magaalo marseedka Berbera iyo Dalka Itoobiya (Berbera Corridor) iyo dhismaha madaar cusub oo ay yeelan doonto caasimada gobolka saaxil ee berbera.

Heshiiskan ayaa noqon doona mid wax weyn ka tari doona kaabayasha dhaqaale ee Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana kor u qaadidoona isticmaalka dekadda Berbera iyo ganacsiga soo jireenka ah eek a dhexeeya labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland, sidoo kalena hor seedi doona shaqo abuur.

Waxaana heshiiskan Somaliland u saxeexay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, iyadoo ay goob joog ahaayeen dhamaan wasiiradii hawlaha shaqo u joogay maalmahan halkaas.

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda Madaxtooyada JSL

Hargeisa – Republic of Somaliland
Email: naska2007@hotmail.com
nasirnaska77@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post