X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Wefdi Ka Socday Guddiga Caalamiga Ah Ee ICRC Oo Ka Wada Hadlay Xabad Joojin Laga Sameeyo Dagaalka Tukaraq

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Guddiga Caalamiga ah ee ICRC oo uu hoggaaminayey Madaxa Guddida Caalamiga ee Laanqeyrta Cas, Mr. Simon Brooks.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka, ka dibna waxa laga wada hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ICRC, isla markaana ay xafiis uga furan lahayd Somaliland, waxa kale oo laga wada hadlay arrinta maxaabiistii Soomaaliya ee dagaalka Tuka- raq ay Somaliland ku qab-qabatay, oo ay Somaliland ku ammaaneen siday ula dhaqantay maxaabiistaasi dagaalka iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xabbad joojinta dagaalka Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray deegaanka Tuka-raq ee gudaha Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in ay Jamhuuriyadda Somaliland, marwalba maxaabiista si wacan ula dhaqanto, tahayna mid waajib islaamiya iyo mid dhaqanka Somaliland ah, marnabana aanay suurto gelayn in si xun loola dhaqmo maxaabiista dagaalka, iyadoo taa ka duulaysana Somaliland ay u ogolaatay ehellada maxaabiistaasi inay booqan karaan una yimaadaan.

Dhinaca kale Madaxweynuhu mar uu ka jawaabayey qodob ay ka hadleen weftigu oo ahaa in xabad joojin laga sameeyo Tuka-raq, waxa uu u sheegay in Hadalka ka soo yeedhay Farmaajo ee xabbad joojintu uu yahay tallaabo hore loo qaaday, kana mid ahaa qodobadii Qaramada Midoobay iyo beesha Caalamkuba ay soo jeediyeen in la fuliyo, Somaliland-na dhinaceeda beesha caalamka ay hore uga aqbashay.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post