X
    Categories: Warar

Somaliland: Kulankii Golaha Wasiiradda Maxaa Lagu Ansixiyay

Shirka Golaha Wasiiradda


Hargeysa(ANN)-Kal-fadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu meelmariyay dood dheer kadib xeerar kaabis iyo wax-ka-bedel lagu sameeyay.
Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, qoraalkaa, ayaa lagu yidhi, ” Kal-fadhigii 45-aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu gudoominayey madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa lagu ansixiyey xeerar, iyada oo sidoo kale lagu meelmariyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaar kamid ah xeerarkii hore u jirey.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxa ay golaha wasiirradu fadhigooda ku ansixiyeen:

  1. Qabyo-qoraalka xeerka la dagaallanka ka ganacsiga iyo tahriibinta dadka.
  2. Wax ka-beddelka iyo kaabista xeerka la dagaallanka mukhaadaraadka Xeer Lr. 21/2002 oo isagu hore u jiray, waxanay xeerarkani u gudbi doonaan golaha wakiilada Somaliland, iyagoo wax weyn ka tari doona Mushkiladaha iyo dhibaatooyinka ka yimaadda Tahriibinta dadka iyo la dagaallanka Mukhaadaraadka dalka soo gala.

Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post