X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Cusub Oo Qaabilay Diblumaasiyiin Ka Socda Midowga Yurub, Dalka Turkiga Iyo Qaramada Midoobay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha cusub ee dhowaan loo doortay hoggaaminta Shanta sannadood ee soo socda ย Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa la kulmay diblumaasiyiin sarsare oo ka kala socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo dalka Turkiga.

Madaxweyne Muuse Biixi oo diblumaasiyiinta kulamo kala duwan si gooni gooni ah ugula yeeshay xarunta Madaxtooyada Somaliland maanta, iyadoo ay wehelinayeen Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxa uu ku qaabilay saddexda wefti oo ay kala hoggaaminayaan; Madaxa Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Jeffrey Sims, Wakiilka Midowga Turub ee Somaliland Mr. Alberto Fiat iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Ali Noyan Coskun, waxaanna diblomaasiyiintani guddoonsiiyeen Madaxweynaha cusub ee Somaliland hambalyo rasmi ah oo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin guushii uu ka soo hooyey doorashadii Madaxtooyada Somaliland, waxaanay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisaba.


Diblumaasiyiintani waxay bogaadiyeen doorashadii Madaxtinimada ee ka qabsoontay dalka Somaliland 13-kii bishii hore ee November 2017, taas oo ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland u soo hoysay guul hor leh, kuna tilmaameen tallaabo muhiim ah oo ummadda reer Somaliland mar kale u qaaday xagga dimuqraadiyadda.


Waxa kaloo diblomaasiyiintani si isku mid ah u sheegeen inay si hagar laโ€™aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan sii xoojinta xidhiidhada ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo ururrada Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo weliba dalka Turkiga.
Dhinaca kale, Madaxweynaha cusub ee Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn ugu mahadceliyey diblumaasiyiintan soo booqday oo uu si farxad leh uga guddoomay hambalyooyinka ay u sideen, waxaannu sheegay inay ka goโ€™an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhada diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo iskaashi ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post