X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Saraakiil Ku Geeriyootay Shil Gaadhi

Taraafiga oo gaadhay shil dhacay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, aytaa ka hadlay dhimashada saraakiil ku ku dhintay shil gaadhi.

kadib markii Alle haw Naxariistee ay maanta Shil Gaadhi ku geeriyoodayeen Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Dab-demiska Somaliland, sidoo kale waxaa iyaguna ku dhaawacmay shilkaa Saddex kale.

Shilka, ayaa dhacay kadib markii uu qallibmay gaadhigii ay ku safrayeen saraakiishaa iyo askar kale oo shilka sababay dhimashadoodu ka dhacay Tuulada Halleeya ee Bariga Magaalada Hargeysa.

Saraakiisha ku dhimatay shilkaa, ayaa kala ahaa Marxuum, Dr.Naasir Cumar Cabdi Hoggaan Ku- Xigeenkii Caafimaadka iyo Marxuum Maxamed Cilmi Cali oo ahaa Hoggaan Ku-Xigeenka Isgaadhsiinta Ciidanka Dab-demiska.

Shilkaa, waxa ku dhaawmay saddex sarkaal oo Magacyadoodu kala yihiin, Cabdifataax Maxamed Xaashi Hogaanka Hawlgelinta, Guuleed Maxamed Cabdi Taliyaha Gebilay ee Ciidanka Dab-demiska iyo Guuleed Axmed Abshir Madaxa Iibka Qalabka Gaadiidka.

Saraakiisha dhaawaca ah ayaa hadda lagu dawaynayaa Cusbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.Saraakiisha ayaa ku sii jeeday Magaalada Berbera , waxaana la qallibmay gaadhigii ay wateen.

Dhambaal Tacsi Ah Madaxweynaha Somaliland U Diray Shacbiga Iyo Ciidanka Dab-demisk, ayaa lagu yidhi, sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka dab-demiska Somaliland, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah Maxamed Cilmi Cali oo ahaa hoggaan ku xigeenkii Isgaadhsiinta ee ciidanka dab-demiska iyo Dr. Naasir Cumar Cabdi oo ahaa hoggaan ku xigeenkii caafimaadka ee ciidanka dab-deniska Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/10/2019, duleedka magaalada Hargeysa oo uu gaadhi kula dhacay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka dab-demiska, ciidamada qaranka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, intii ku dhaawacatay shilkaana uu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay.

Ilaahay Naxariistii Janno haka waraabiyo Ehelkii, Asxaabtii, Qaraabadii, Qoyskii iyo Dhamaan Ciidanka Dab-demiska Samir iyo Iimaan ilaahay haka siiyo Innallahi wa inna ilayhi Raajicuun.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post