X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Wasaaradda Hawlaha Guud Ku Amray In Loo Qoondeeyo Dhulka Danta Guud Ciidanka Iyo Shaqaalaha Dawladda

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu ka digayo dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, islamarkaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, isagoo sidoo kale , wuxuu carabka ku adkeeyay on ciidanku aanu qaadi karin musuqmaasuq iyo xeer-jebin  oo aan  sharciga u yaal Ciidanla ninna laga dhaafayn in lagu dabbaqo.

Madaxweyne  Biixi, wuxuu hadalkaa ka sheegay mar uu maanta  saraakiil soo dhamaystay waxbarasho oo kasoo  qalin-jebisay Kuliyado ku yaal dalka Ethiopia ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika.

 Sidoo kale Madaxweyne Biixi oo ka hadlay ahmiyada Ciidanka Qaranka iyo sida aanay u ogolaanayn ee uga digayaan indibin-daabyo loola yimaado  ciidanka qaraka, isagoo yidhi, “Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno.”

Madaxweynaha oo dardaaran siinayay saraakiisha, ayaa yidhi, “Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post