X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynahe Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Shirgudoonka Wakiilada Iyo Guurtida

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley shirgudoonka labada golle ee guurtida iyo wakiilada Jamhuuriyadda  Somaliland.

Madaxweynaha iyo shirgudoonka labada gole ee Somaliland

Sida lagu sheegay qoraal kulanka kaddib kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland, Kulankaa oo ahaa kii u horreeyey ee shirgudoonka labada gole ay Madaxweynaha la yeeshaan, ayaa ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi, waxaana aad loogu lafo guray kulankaasi, qodobadan.

1.      Waxa laga wada hadlay oo xooga la saaray adkaynta iyo sii xoojinta nabadgelyada dalka

2.      Diyaar garawga iyo dhamaystirka xeerarka doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka intaan la gaadhin 13-March-2019ka, waxaanu madaxweynuhu labada gole xog ka siiyey kulan uu la yeeshay guddida doorashooyinka qaranka oo la xidhiidha diyaar garawga doorashooyinkaasi

3.      Waxa kale oo kulankaasi lagu soo xidhay Xoojinta iyo xidhiidhka wada shaqayneed ee xukuumadda iyo labada gole.

Kulankan ayaa daba socda kulamo muhiima oo madaxweynuhu maalmihii u danbeeyey la yeelanayey masuuliyiinta ugu saraysa dalka oo ujeedadiisu tahay adkaynta iyo wada jirka danta qaranka iyo ta shacbigaba.

Wa-bilaahi Tawfiiq

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post