X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ka Socday Dalka SWEDEN

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxwayneku-xigeenka Somaliland, Mudane. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti Swedeish ah oo dalka u yimi inay soo indha-indheeyaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waftigan uu hoggaaminaayey Xil. Magnus Oscorsson oo ka tirsan baarlamanaka dalka Sweden iyo Mikael Tortosan oo u ololeeya qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo xubin ka tirsan hay’ada SIDA ee dalka Sweden u qaabilsan caawimooyinka dibada, ayaa sidoo kalena waxa wehelinaayey safiirka Somaliland u dhafiya dalka sweden Amb Sakariye Xasan Wacays.

Waftigan ayaa Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland kala hadlay arrimaha mucaawimooyinka ee uu dalka Sweden siiyo Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dawladood ee Sweden iyo Somaliland.

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa waftiga uga mahad celiyay imaanshaha ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu warbixin ka siiyey xaalada abaarta adag ee dalka ka taagan iyo gurmadka samato bixinta ah ee socda.

Waftigan ayaa dalka ku sugnaan doona dhawr maamlmood si ay usoo kormeeraan qaar ka mida deegaamada ay ka jirto abaarta baahsan ee dalka ka jira.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post