X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Dalka Imaaraadka Carabta Dhanbaal Tacsi Ah u Diray

Hargeysa(ANN)Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xukuumada Imaaraadka Carabta tacsi Madaxweynaha Somaliland ugu diray geeridii Sheekh Rashiid bin Maxamed bin Makhtuum.

Mr. Baashe Cawil oo ku sugan magaalada Dubai ayaa sheegay inuu maanta u gudbiyey xafiiska Raysal-wasaaraha Dubai Sheekh Maxamed bin Rashiid al Makhtuum, tacsidii Madaxweyne Siilanyo ugu diray geerida inankiisi Sheekh Rashiid bin Maxamed oo dhowaan si kedis ah wadnahu u istaagay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah maanta u diray Madaxweynaha iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta.

Dhambaalka tacsida Madaxweyne Siilanyo oo afhayeenkiisu soo saaray ayaa lagu sheegay, “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweynaha iyo Shacbiga imaaraadka Carabta oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid Sheekh Rashiid bin Mohamed bin Rashid Al Maktoum oo uu Madaxweyne ku-xigeenka dalka Imaaraadka Carabta isla markaana ah xaakinka Dubai Sheekh Mohamed bin Rashid Al Maktoum uu dhalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu alle uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo shacabka iyo madaxda imaaraadka carabta gaar ahaana aabihiina uu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post