X
    Categories: Warar

Somaliland: Mudanayaasha Baarlamaanka Ee Aqalka Wakiiladda Oo Meel Mariyay Heshiiska Xukuumadda La Gashay Shirkadda DP World

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Baarlamaanka Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiska Xukuumaddu la gashay Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera.

Fadhi Golaha Baarlamaanka Somaliland yeeshay saaka oo ay kasoo xaadireen 74 xubnood oo ka mid ah 82 xubnood ee goluhu ka koobanyahay oo ka dhacay Hoolka fadhiyada ee xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu ansixiyay heshiiskaa.kaddib dood dheer oo ay ka yeeshay ansixinta heshiiska mudanayaashu.

Heshiiska oo noqonaya kii ugu horeeyay ee ay noocasiisa gasho Somaliland 25-kii sanadood ee ay madaxbanaanideeda dib ula soo noqotay, waxay xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda DP World oo ah shirkad Caalami ah oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.
Guddoonka Golaha Wakiiladda, ayaa mudanayaasha u weydiiyay cod inay diidaan ama anisixyaan heshiiskaa, waxaana dood dheer ka dib meelmarinta heshiiskaa ogolaatay 69 mudane waxaana diiday 4 Mudane, mana jirin cid ka aamusatay, iyadoo Guddoomiyuhu aanu codayn.
Markaa kaddib gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in uu meelmaray heshiiskii Somaliland iyo Shirkadda DP World oo maal gelinaysa dhismaha dekeda magaalada Berbera.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post