X
    Categories: Warar

Somaliland: Saraakiil Ka Socday Dawladaha Shiinaha Oo Booqday Dekedda Berbera

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN) Dawladda Somaliland iyo Shiinaha, ayaa ka wadahadlay sidii sare loogu qaadi lahaa cilaaqaadka u dhexeeya labada dal, isla markaana mustaqbalka loo samayn lahaa iskaashi xooggan oo dhinacyo kala duwan ah.
Sida lagu sheegay qoraal luqadda Ingiriisiga ku qoran oo lagu baahiyey facebook-ga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, Safiirka Shiinaha u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Wei Hongtian oo safar shaqo ku yimmi caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Khaarajiga.
“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay si diirran u qaabishay Safiirka ka socday dawladda Shiinaha Ambassador Wei Hongtian 30 October 2016, waxaannu safiirku uga mahadnaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda sida fiican ee loo qaabilay, isagoo shaaciyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo cilaaqaadka u dhexeeya Shiinaha iyo Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Mixille Boqorre oo halkaas ka hadlay, ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarka uu Safiirka ka socda dawladda Shiinuhu ku yimmi Somaliland.
“Waxa aan aad ugu faraxsanahay in aan ugu soo dhaweeyo Somaliland, waxaanan rajaynayaa in booqashadaadu horseedo safarro kale oo dheeraad ah oo aad ku timaad. Dalalka Somaliland iyo Shiinuhu waxay wadaagaan xidhiidh diirran oo dhinaca wanaagsan ah, waxaanan ku rajo weynahay in kulankani u horseed u noqdo in dib loo cusboonaysiiyo, lana sii ballaadhiyo xidhiidhkeenni taariikhiga ahaa,” ayuu yidhi Wasiir Boqorre.
Weftiga safiirka Shiinaha Ambassador Wei Hongtian, ayaa sidoo kale booqasho ku tegay magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil shalay, isagoo kormeeray kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland ee ku yaal Berbera oo ay ugu horreyso dekedda.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post