X
    Categories: Warar

Somaliland: Taliyaha Booliiska Oo Ka Hadlay Jiritaanka Wararka Sheegaya In Ay Qabteen Koox Hubaysan

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Saqadhi Dubad (Daba-gale) 14 September 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Taliska Booliska Somaliland, ayaa ka hadlayay warar sheegayay in ay saacadihii lasoo dhaafay qabteen koox looga shaliyay in ay wadeen falal ka dhan ah amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Saqadhi Dubad oo ka hadlay arrintaa, ayaa ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, wuxuu sheegay in warka lagu sheegay in Boolisku qabteen rag looga hubaysan oo looga shakiyay in ay falal argagixiso maleegayeen.

Warka arrintaa la xidhiidha oo warbaahinta qaarkeed iyo baraha Bulshada lagu baahiyay, ayaa lagu sheegay inuu ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliiska Somaliland.

“Ciidamadda ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa 48 saacadood ee la soo dhaafay qabtay 13 qof oo looga shakisanyahay inay maleegayeen weeraro argagixiso oo xidhiidh ah, kuwaas oo lala beegsanayay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.” Ayaa lagu yidhi, warkaa oo lagu sheegay inuu kasoo baxay Taliska Booliska.

Hase yeeshee Taliyaha Booliiska Somaliland oo daba socda warkaa, ayaa sheegay in aannu ahayn mid kasoo baxay Taliska Booliska, isla markaana waxa uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn oo been-abuur ah.

Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Saqadhi, ayaa bulshada uga digay  faafinta warar malo-awaal ah oo la xidhiidha Ciidanka.

“Bulshada Somaliland waxaan uga digayaa faafinta warar xaqiiqada ka fog oo la xidhiidha Ciidanka Booliiska, mana jiro tacsi Taliyaha Booliisku diray, isla markaana waxaan u sheegayaa inaan dhowaan la wadaagi doono bogga rasmiga Ciidanka Booliiska Jamhuuriyadda Somaliland oo shirkadda Facebook xaqiijisay.”ayuu yidhi. Sanqadhi oo u waramay Weriye Maxamuud Walaaleye, oo Wargeysyadda Dawan ka tirsan.

 

 

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post