X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Oo Wareegto Ku Mamnuucday Ganacsiga Gaadiidka Dab-damiska

Wasiirka Gaadiidka Iyo Wadooyinka Oo Ka Wasiirka Gaadiidka iyio Horrumarinta Wadooyinka Somaliland Cabdullaahi Abokor oo saxaafada la hadlaya 30 July 2019.

Hargaysa ANN)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo saaray Wareegto ay ku mamnuucday ka ganacsiga Gaadiidka loo adeegsado in lagu bakhtiiyo dabka.


Wasiirka Wasaaraddaa oo soo xiganaya talo soo jeedin uu usoo gudbiyey Taliyaha Ciidanka La Dagaalanka Dabku, ayaa sheegay in ciddii u baahan soo dejinta gaadiidkaasi ogolaasho kasoo qaadato Talaiska Ciidanka Dab-damiska, laga bilaabo taariikhda wareegtadu soo baxday, sidaana waxa lagu sheegay wareegto ka soo baxaday xafiiska wasiirka oo u dhignayad sidan.:-

Ku: Dhamaan Ganacsatadda Macradada Gaadiidka Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Hargeysa
Ku: Wasiirka W.Horumarinta Maaliyadda Hargeysa
OG: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
OG: Wasiirka W.Ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska Hargeysa

OG: Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Hargeysa

OG: Madaxweynaha J.S.L Hargeysa
Ujeedo; Gaadiidka Dab-Demiska.

Markaan Arkay: Qodobada 20aad iyo 42aad ee Xeerka Wadamarista Gaadiidka (Xeer L/r 56/2013);
Markaan Arkay: Qodobka 25aad Faqradiisa 8aad ee Xeernidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hayadaha Xukuumada (Xeer L/r 01/2018) oo tilmaamaya Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay maamusho adeegyada isu socodka dadka iyo alaabta, isla markaana xaqiijiso isku gudubka badeecadaha iyo adeeggyada xamuulka ee wadanka.
MarkAN HLAY:

talo soo jeedin Taliyaha Ciidanka Dab-Demiska Qaranka ee hakinta soo dejinta & ka ganacsiga Gaadiidka Dab-demiska ah ee dalka la keeno.

Waxaan soo saaray wareegtadan

  1. In Gaadiidka Dab-Demiska laga mamnuucay in laga ganacsado guud ahaan Dalka Jamhuuriyadda laga bilaabo, 4th April 2020.
  2. Cid kasta oo u baahan soo dajinta Gaadiidka Dab-Demiska waa inay ogolaansho ka haystaan Taliska Guud ee Ciidanka Dab-damiska laga bilaabo taariikhda wareegtadan soo baxday.
    Alla Mahad Leh
    Cabdullaahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post