X
    Categories: Warar

Somaliland: Wasiirul-dawlaha Amniga Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Ka Hadlay Doorka Booliska Iyo Caddaaladda

Araweelo News network

Hargeysa (ANN)Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa ku faanay in isbeddel wayni ku yimi ciidanka muddadii uu isagu xilka hayey.
Taliye Fadal oo hadal ka jeediyey tababar shalay loo furay 55 taliye saldhig oo ka mid ah taliyayaasha ka hawlgalla gobollada Togdheer, Maroodi-jeex, Gabiley, Hawd, Awdal iyo Salal, waxa uu sheegay in aqoonta iyo tayada ciidanka boolisku koradhay muddada uu xilka Taliyaha hayey.
“Sannadkan gudihiisa tababarkani waa kii labaad ee loo qabto saraakiisha. Anigoo uga mahadcelinaya Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud intii aan joogay in booliska isbeddel wayni ku yimi hadday tahay tahay xagga tababarrada oo ah siyaasadda Madaxweynuhu nagu hoggaaminayo, hadday tahay tayeynta, maanta waxa jira intaas oo sarkaal oo haysta laba shahaadada digriiga ah (shahaadada labaad ee jaamacadaha), oo u kala shaqeeya booliska iyo xeer-ilaalinta, waxa jira intaas sarkaal oo haysta shahaadada Diploma (shahaadada hoose ee jaamacadaha),” ayuu yidhi Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali, Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Daakhiliga Md. Maxamed Muuse Diiriye iyo saraakiil ka socday hay’adda UNDP oo iyaguna ka qaybgalay furitaanka tababarkaasi saraakiisha uga bialabay xarunta Taliska Guud ee Booliska, ayaa kula dardaarmay ciidanka ilaalinta caddaaladda iyo hab-dhaqanka wanaagsan ee sharcigu farayo, isla markaana inay ku dhaqmaan duruusta la siin doono laba toddobaad uu u socon doono tababarkani.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post