X
    Categories: Warar

Somaliland: Wefti Ka Socday Dalka Ereterea Oo Ku Laabtay Dalkooda

Hargeysa(ANN)-Wefti ka socday dalka Ereterea ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaa, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland,.

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ereterea, waxay mudadii ay joogeen kulamo kala duwan la qaatay hayโ€™adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hayโ€™adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland.

sidoo kale wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, ayaa ka mid ahaa xubnaha sii sagootiyay wefdiga Ereterea.


admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post