X
    Categories: Warar

Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Maamulka Hawada Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Gaashaanka Ku Dhifatay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)/Dowladda Federaalk  ee Soomaaliya, ayaa  si rasmi ah ula wareegtay maamulka Hawada Dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya oo ay Somaliland Hawadeedu ku jirto, iyadoo Hay’adda Maamulka Hawada u qaabilsan qaramada Midoobay ee ICAO maamulaysay tan Iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

 

Munaasabad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka sheegay in sharaf wayn u tahay Soomaaliya in ay dib ula wareegto maamulka iyo gacan ku haynta hawada.

“Arrintaasi waxay ku timid shaqo iyo juhdi badan oo la geliyay. Halkan waxaan ku haystaan qalab ka casrisan kii hawadeena lagu maamulayay ee yaalla Nairobi.”

“Markii aan eegay, waxaa iicaddaatay in aan u diyaarsannahay oo keliya ma ahan aqoon ahaan ee xitaa qalab ahaan oo ka casrisannahay dalal badan oo Afrikaan ah”, ayuu yidhi madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland, ayaa gaadhaanka ku dhifatay in ay aqbasho in Hawada lagu wareejiyo dawladda Federaalka, iyadoo aan Xukuumadda Somaliland arrintaa waxba laga ogaysiin.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Somaliland Duuliye Cabdi Maxamed Rodol, ayaa ku tilmaamay tallaabadaa mid Ka hor imanay wada hadaladii Iyo heshiisyadii u socday, Isla markaana ay Ka maqleen warbaahinta, balse aanu ahayn mid khuseeya go’aanka Hawada loogu wareejiyay Soomaaliya.

 

“Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya iyadoo  wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen. Taasina waa in marnaba aanay Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo”.ayuu yidhi Duuliye sare Rodol.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post