X
    Categories: Warar

Sucuudiga Oo Haweenka U Fasaxay In Baabuurta Ay Kaxaysan Karaan

Araweelo News Network

Riyadh (ANN)- Boqorka dalka Sucuudiga, ayaa si rasmi ah u saxeexay digreeto lagu ogolaanayo in haweenka Sucuudigu ay Baabuurta ku kaxaysan karaan, amma noqon karaan darawaliin gaadiidka ku si xor ah dalka gudihiisa ugu kaxaysan kara.

.
Sida ay baahisay wakaalada Wararka ee Saudi Press Agency,  boqor Salmaan bin Abdulaziz, ayaa amar ku bixiyey in dumarka Sucuudiga loo fasaxo darawalnimada, arrintaas oo markii hore mamnuuc ka ahayd.

Dhinaca kale, Guddi wasiirro ah oo ka tirsan dawladda Sucuudiga, ayaa loo saaray inay ka shaqeeyaan, iskuna soo dubo ridaan qaabka ugu habboon ee dumarka loogu fasaxi karo inay kaxaystaan baabuurta, kuwaasoo laga doonayo inay muddo 30 maalmood ah ku soo gudbiyaan talo-bixintooda khusaysa dumarka dirawaliinta noqonaya.

Sida digreetada Boqorka Sucuudiga lagu sheegay, waxa ogolaanshaha darawalnimada dumarka si rasmi ah loo dhaqan gelin doonaa dhammaabka bisha June ee sannadka 2018, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo lagu salaynayo shareecada islaamka.

 

Dumarka dalka Sucuudiga ayaa muddo dheer olole ugu jiray sidii loogu ogolaan lahaa inay noqdaan darawaliin baabuurka kaxaysan kara kelidood, iyadoo  Haweenay kusoo bandhigay boggeeda Twiterka iyadoo wada gaadhi Xabsiga loo Taxaabay Sannadkii hore, balse dawladda Boqortooyada, ayaa arrintaas hortaagnayd, iyadoo hadda la isla qaatay in dumarku kaxaysan karaan gaadiidka.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post