X
    Categories: Warar

Taliska Millatariga Soomaaliya oo Caddeeyey in Dagaalyahanno Badan Al-shaabaab ah Galeen Muqdisho


Marka (ANN) Sarkaal sare oo ka tirsan millatariga dawladda taagta daran ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanno tiro badan oo Al-shabaab ah galeen gudaha magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay.
Abbaanduulaha Guutada 6aad ee Ciidanka Soomaaliya Col Cali Yuusuf Macallin oo warbaahinta la hadlay shalay, ayaa sheegay in xubno badan oo ka mid ah xoogagga Al-shabaab oo ku sugnaa degaannada Gobolka Shabeelaha Hoose ay u guuraan dhinaca caasimadda Muqdisho oo ay haatan gudaheeda ku jiraan.
Col. Macallin waxa uu tilmaamay in taasi ka dambeysay kadib markii ciidammada dawladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay ku jabiyeen degaannada Shabeelaha Hoose dagaallamayaasha Al-shabaab.
Waxa uu intaa ku daray, in xubnaha Al-shabaab ee galay gudaha magaalada Muqdisho ay damacsan yihiin inay carqaladeeyaan doorashooyinka macmalka ah ee la filayo inay ka dhacaan dalka Soomaaliya bilaha soo socda.
Kooxda Al-shabaab ayaa qaraxyo iyo weerarro khasaare geysta ka fulinay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose iyo magaalooyinka maamulka Muqdisho ka taliyo ee Soomaaliya maamusho, gaar ahaan hudheellada waaweyn ee ku yaal caasimadda Xamar.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post