X
    Categories: Warar

Toogashooyin Sababay Dhimasho iyo Dhaawac Oo Ka Dhacday Jaamacadda Ohio Ee Dalka Mareykanka

Araweelo News Network


Ohio(ANN)Saraakiisha dalka Booliska Mareykanka, ayaa ku dhawaaqay in ku dhawaad 10 qof ay ku dhaawacmeen toogashooyin ka dhacday jaamacad ku taal gobolka Ohio ee cariga dalka Maraykank, kadib markii qof hubaysan uu toogasho ka geystay hoolka jaamacadda Ohio.

Taliyaha Booliska gobolka Ohio ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay toogasho ku dileen ruuxii weerarka geystay, warbaahinta maxalliga ah waxay baahisay in dadka dhaawacmay qaarkood xaaladood caafimaad ay aad u liidato, iyadoo la xaqiiyay ugu yaraan sided qof in dhaawacyo kala duwan soo gadheen.

Cabsi iyo walbahaar ayaa soo waajahay Ardayda iyo macalimiinta jaamacadda Ohio xilligii uu weerarku socday, boqolaal ka tirsan ciidamada Ammaanka Mareykanka, ayaa lagu daad gureeyay goobta weerarku ka dhacay.

Toogashadan ayaa kusoo beegantay xilli taageerayaasha Madaxweynaha Mareykanka ay masaajidda Muslimiinta Gobolka California ku dhajiyeen warqad cunsuriyad iyo naceyb u muujinayay dadka Muslimiinta ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post