X
    Categories: Warar

Trump oo u magacaabay madaxa Exxon, Rex Tillerson, inuu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda

Araweelo News Network

Republican president-elect Donald Trump delivers his acceptance speech during his election night event at the New York Hilton Midtown in the early morning hours of November 9, 2016 in New York City. (Photo by AFP)

Washington(ANN)-Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in madaxa Exxon Mobil, Rex Tillerson, uu u magacaabay in uu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Mr Trump ayaa ku ammaanay Mr Tillerson, oo 64 sano jir ah , wuxuuna ku tilmaamay inuu ka mid yahay “hogaamiyayaasha ganacsiga ee sameeyay heshiisyada caalamiga ee guusha gaadhay”

Mr Tillerson ayaa la sheegayaa inuu xidhiidh fiican la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyadoo taasi walwal galinaysa xisbiga Dimoqraadiga iyo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga.

Magacaabida Mr Tillerson ayaa u baahan inuu Senate-ku ansixiyo.

Maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay in sirdoonka Maraykanka ay aaminsan yihiin in Ruushka uu caawiyay doorashada Trump, iyadoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen kombutaro la jabsaday.

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa ah diblomaasiga ugu sareeya, ee masuulka ka ah in la hirgaliyo siyaasadaha arrimaha dibadda ee dowladda.

” Shaqada Rex Tillerson ayaa astaan u ah riyada Maraykanka”, ayuu sheegay Mr Trump.

” Tayada adkaysigiisa, qibradiisa iyo fahamka siyaasada arrimaha dibadda ayaa ka dhigaysa qofka ugu fiican ee loo doorto xoghayaha arrimaha dibadda”.

Mr Tillerson ayaa sheegay in magacaabida ay u tahay sharaf, isagoo sheegay inuu la wadaago Mr Trump aragtidiisa in la soo celiyo aaminaadii xidhiidhka arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo in la adkeeyo ammaanka waddanka”.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post