X
    Categories: Warar

Wakaaladda Qurbajoogga Oo Ugu Baaqday Jaalliyadaha Somaliland u Diyaar-garawga Xuska 25-Guurada, 18 May 2016

“Somaliland Guulo Qaran & Qaayo Lagu Gaadhay Rubuc Qarniga”

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Jamhuuriyadda Somaliland waxay oogaysaa xuska 25-Guurada ka soo wareegtay markii shacbiga Somaliland dib ula soo noqdeen madaxbanaanidooda 18 May 1991. Rubuc qarniga aan u dabbaal degayno 18 May 2016 waa mid ka turjumaysa sida loogu guulaystay go’aankii aaya-ka-tashiga umadda Somaliland ee dib u hanashada qaranimadooda, isla markaana tilmaamaysa isku kalsoonaanta, kartida iyo awoodda aan u leenahay inaan ka midho dhalinno inta hadhsan himiladeenna inaan gaadhno.
Wakaaladda Qurbajoogga JSL waxay fursadan uga faaiidaysanaysaa inay ugu baaqdo dhammaan jaalliyadaha iyo guud ahaan qurbajoogga Somaliland ee daafaha dunida inay u diyaargaroobaan xuska 18 May 2016, oo aad xaqiijisaan qabashada xuskan si ka weyn kuwii hore tayo ahaan, ka badan tiro ahaan, kana tilmaaman tabaabulshe ahaan. Walaalayaal, waxan aan idiinku baaqayaa inaad si mug iyo cudud leh, dareen iyo shucuur wadaninimo leh ugu soo baxdaan 18 May, usoo bandhigtaan, una muujisaan indhaha caalamka xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland oo cod dheer ku gudbisaan farriinteenna.
Waxa barbar socda diyaargarawga 18 May ee sannadkan oo qayb ka ah, saxeexa doonista aqoonsiga Somaliland (Somaliland petition for recognition) oo gudo iyo dibadba laga doonayo dadweynaha Somaliland inay ayidaan. Hadaba xagga dibadda, idinkoo ka faaiidaysanaya isgaadhsiinta internet-ka ee innoo sahlaysa, waxa aannu ugu baaqayna, kuna dardaaraynaa dhammaan Qurbajoogga Somaliland meelkasta oo ay ka joogaan dunida inaad si weyn uga qaybqaadataan taasoo aad ka heli kartaan mareegaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wakaaladda Qurbajooggaba http://www.slforeign.com/online-petition.html / http://sldiasporaagency.org/online-petition-4/

Cabdi Cabdillaahi Xirsi
Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post