X
    Categories: Warar

Waqooyiga Kuuriya Oo Ku Hanjabtay In Mareykanku Jawaab Uu Ku Halligmo La Kulmayo

Araweelo News Network

In this undated photo, North Korean leader Kim Jong-un is seen inspecting the Chemical Material Institute of the Academy of Defense Science in Pyongyang. (Via AFP)

Pyongyang(ANN)-Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa uga digtay Mareykanka in haddii uu weerrar kusoo qaado dalkiisa inuu qaadi doonto tallaabo naxariis la’aan ah oo ay isku difaacayso haddiiba ay  muuqato astaan weerrar oo uu Mareykanku la maagan yahay.

Digniinta Kuuriyada Woqooyi, ayaa  kusoo beegantay kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi, Ri Yong Ho, uu khudbad ka jeediyay Qaramada Midoobay uu sheegay  diyaaradaha Mareykanka ee bambooyinka rida ee B-1B oo ay galbinayaan diyaaradaha dagaalka ee Koonfurta Kuuriya ay dul mareen biyaha bariga Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka, ayaa  Pentagon-ka ka sheegay in diyaaradaha Mareykanku ay dul mareen cirifka shishe ee waqooyi Kuuriya, halkaas oo sida uu sheegay ka  baxsan xeebaha Kuuriyada Waqooyi.

Khudbad uu Qaramada Midoobay ka jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayuu ku sheegay in Mr Trump uu yahay in nin ‘caqligiisu aanu taam ahayn’.

Waxa uu sheegay in si kasta oo cunaqabatayn adag ay Qaramada Midoobay dalkiisa ugu soo rogto ay Pyongyang sii wadi doonto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Ruushka iyo Shiinaha, ayaa labaduba waxa ay ku baaqeen in la soo afjaro hadallada kulul ee sii kordhaya ee ay isdhaafsanayaan labadaasi dal.

Dhanka kale Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu ku eedeeyay Waqooyiga Kuuriya iyo Iiraan inay wada shaqeeyaan, saacado kaddib markii Tehraan ay sheegtay inay tijaabisay gantaal cusub oo ridadiisu ay meel dhexaad tahay.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post