X
    Categories: Warar

Wargeyska Mirror oo Canaantay Barnaamij Soo-saare BBC-da ka Tirsan oo Soomaalida Aflegaadeeyey

Araweelo News Network

Mr. Ian Timms

London (ANN)- Wargeyska The Mirror oo ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay warbixin uu kaga hadlay aflagaado uu bulshada Soomaalida kula kacay Mr. Ian Timms oo barnaamij soo-saare ka ah warbaahinta BBC-da, waxaannu wargeysku ku tilmaamay hadallo ku jiray barnaamij weriyahaasi ka baahiyey idaacadda qaar ay ka buuxeen cunsurimo aan loo meel dayin iyo nacayb xooggan.
Warbixinta wargeyska The Mirror uu arrintaas kaga hadlay oo uu daabacay cadadkiisii shalay waxa uu cinwaan kaga dhigay: Did BBC radio presenter go too far with ‘racist’ Somali Olympic sailing team joke? waxaannu wargeysku ugu baaqay BBC-da inay raalligelin siiso dadka Soomaaliyeed oo weriyahoodu meel kaga dhacay.
Barnaamij soo-saaraha BBC-da, ayaa kooxda dalka Soomaaliya uga qaybgalaya tartanka ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda magaalada Rio de Janeiro ee caasimadda waddanka Brazil ku tilmaamay in ay yihiin budhcad-badeed, waxana hadallada deelqaafka ah ee ku jiray barnaamijkiisa ka mid ahaa: “Caawa waxaan helnay natiijada tartanka doonyaha badda ee Rio. UK ayaa ku guulaystay billadda dahabka, Denmark waxay heshay qallin, Soomaaliya waxay afduubatay lammaane da’ dhexaad ah oo dalxiisayey.”
Markale haddana wuxuu yidhi; “Tababaraha xulka Soomaaliya isaga oo ku hadlaya magaca kooxdiisa waa inuu ka raalligeliyaa martida in aanay isku mid ahayn dilka iyo tartanka doonyaha.”
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post