X
    Categories: Warar

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Oo Ka Qayb gashay Shir Caalami Ah Oo Ay Ku Kulmeen Madaxda Dalalka Bariga Afrika

Araweelo News Network

Addis Ababa, Ethiopia(ANN)- Waxaa maanta ka furmay Magaaladda Addis Ababa ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Hoolka shirarka ee Xarunt Matxafka Qaran ee dalka Ethiopia(National Museum of Ethiopia-HQ ) shirkii 6aad ee uu Qabto Ururka Bariga afrika ee xaga cilmi baadhista adaamaha ee loo yaqaano(EAAPP).Shirkani waxa oo socon doonaa mudo saddex maalmood, waxaa ka soo qayb galay madax iyo aqoonyahano iyo Cilmi baadhayaal ka socday dalalka bariga afrika oo ay somaliland ku jirto ,Europe iyo Maraykanka.

shirkaasi waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Fadaraalka Ethiopia Marwo: H.E Dr. Hirut Weldemariam waxay Wasiiradu hoosta ka xariiqday ahmiyada Cilmi baadhistu ugu fadhida dalalk bariga afrika gaar ahaan xaga Dalxiiska iyo sidii loo baadhi lahaa waxyaabaha qadiimka ee ay leeyihiin Dalalka Bariga Afrika , waxayna uga mahadnaqday ururka soo agaasime shirkan oo ah Ururka Bariga afrika ee cilmi baadhista ee loo yaqaano (EAAPP).

waxa kaloo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Bariga Africa ee xaga cilmi baadhista Mr. Zeresenay Alemseged oo sheegay in ujeedada shirkani tahay siddii dalalka bariga afrika iskaga gaashan lahaayeen cilmi baadhista aadamaha iyo degaanada qadiimka ah ee loo yaqaano (Paleontology and Paleoanthropology) iyo sidii loogu heli lahaa cilmi baadhistaasi kharashka ku baxay oo ay dawladu u taageeri lahaayeen. Gudoomiyihu Ururkaasi wuxuu madasha ku soo dhaweeyay dhamaan ka soo qeyb-galayaashii shirka, wuxuna Carabka ku dhufta in Somaliland markii ugu horeysay ay ka soo qeyb-gasho shirkani oo sanad walba ka qabsooma afrika, wuxuuna uga mahadnaq Somaliland ka soo qeyb galka shirkaasi, waxaana madashaasi sacab iyo wajiyo farxad badani ka muuqato lagu soo dhaweeyay labadii Xubnood ee ka socday Somaliland oo kala Ahaa:
Mr.Cabdiqani Axmed Xassan “Goole” oo ah Agaasimaha W.Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha dibeda&iska. Caalamiga ah iyo Marwo Asma Cismaan Cabdi –oo ah Hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda. Soo dhaweyn ka dib, Agaasime Cabdiqani wuxuu ugu mahadnaqay Gudoomiyaha ururka bariga afrika sidda wanaagsan ee uu ugu soo dhaweeyay Somaliland shirkaasi wuxuuna intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay in ay xubin ka noqoto ururka bariga afrika ee xaga cilmi baadhista.

Intii uu shirku socday, waxay Cilmi baadhayaal ka socday dalalka Mareykanka , Talayaaniga , Spanish-ka , Swiss-ka ,Tanzania ,Kenya .Ethiopia, South afrika ay halkaasi ku soo bandhigeen cilmi baadhis kala duwan oo ku saabsaneyd Asal-ka dadka afrikaanka ah iyo asaarta qadiimka ah ee degaano ka mid ah dalalka bariga afrika.

Source: Wasaaradda Arrimaha Dibedda&Isk. Caalamiga ah, ee Jamhuuriyadda Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post