X
    Categories: Warar

Wasiirka Hawlaha Guud oo Sheegay in Xidhiidh lala Sameeyo Caalamku Sababi Karo Ictiraaf Somaliland Hesho

Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan), ayaa sheegay in ictiraafka Somaliland ku iman karo hadba sida aynu xidhiidh ula yeelano dalalka caalamka.
Wasiirka oo hadla ka jeediyey xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20 February oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa, waxa uu dheeraaday saldhigga iyo maalgashiga waddanka Imaaraadka Carabtu ka samaynayo dalka Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee qaadku leeyahay.
“Dhallinyarada waxaan kula dardaarmayaa waxa weeyaan sida aad la wada socotaan dalkeenu mustaqbalkiisu aad iyo aad buu u fiican yahay, waxaana ugu wacan dhallinyarada oo boqolkiiba 70% ay dhallinyaro tahay, taasina waa ididiilo fiican, waxaana fiican in aad iyo aad looga waaniyo balwadaha, umaddeena waxaa ku furan qaad oo $700,000 (toddoba boqol oo kun oo doollar) sannadkii la sii sanayo qaad, waxaana weeyi dadkii waaweynaa ee ka horeeyey ay u horsadeen, dhaqaalihii iyo naftii iyo caafimaadkiiba wuu dilayaa,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxyaabaha ugu weyn ee dalka immika ka taagan ee lagu kala aragti duwan yahay waxa weeyi horumar dalka ka socda. Dalkeenu ma haysto ictiraaf, laakiin haddii aynaan dunida xidhiidh la yeelan inaan ictiraaf dalka imanayn, maahmaah ayaa ahayd “xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan.” Innagoo iska fadhina ictiraaf iman maayo waa inay dunidu inoo timaad shalay (maalintii Axadda) waxaan dhegaysanayey nin madax ah oo dawladda Jabuuti u hadlaya faa’iidada ay Jabuuti u keentay saldhigyada ay siisay wadammada kala duwan.”
“Dhaqaaleheenu 80% waxa uu ku xidhan yahay waddanka Imaaraadka, tijaarteenu intay ka tiro leegtahay waxay joogta Imaaraadka oo ay xafiisyo ku wada leedahay, marka waxaan odhan lahaa waar yaan dadkeena la baqdin galin, waar ninka Xuutiyiinta u hiilinaya ee toddobada dal ee Khaliijka ka hor imanayaa waxaan leeyahay waar fulay isagaaba geesiya ee ummadda Ilaahay ha inagu soo jeedin,” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.
Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa sidoo kale ka hadlay xuska maalinta dhallinyarada Somalilnad ee 20 February, waxaannu yidhi; “Waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan dhallinyaradda reer Somaliland meel kasta ay joogta, waxaan leeyahay hambalyo taariikhda dheer ee laga sheekeyey ee ay leedahay maalintani ee 20kii February 1982kii raggii xogogaalka u ahaaba halkan ka sheekeyey ee markaa waaweynaa, laakiin anigu maalintaas Burco ayaan joogay dhawr cisho ka dib ayuu mudaharaad ka dhacay biriishka Burco, kan labaad maahee kii hore ayaa labada koone ciidamo la odhan jiray Daraawiish oo berigaas jiri jiray oo xoog weynaa ay labada koone istaageen oo dhallinyaradii biriishka ka daadatay baan ku jiray barigaa, markaa taarikhdaa dheer ee la soo maray waxaa gunteedii iyo gaba gabadeedii maanta aynu hadhsanaynaa qaranimada, madaxbannaanida, nabadgalyada iyo horumarka dalka ka jira ee aynu maanta ku tallaabsanay, taasay tahay midhaheedi in la wada ilaashado oo xoog iyo xoog loo ilaashado.”

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post