X
    Categories: Warar

Wasiirka Horumarinta Biyaha Oo Ka Hadlay Hadalka Lagu Xidhay Xildhibaan Dhakool Ee 18 May.

Saleebaan Koore Araweelo news

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliand,  Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  ayaa ka hadlay qaabkii Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo Boolisku xabsiga u taxaabeen xalay  uga hadlay Xuska 18-ka May ee sannadkan 2019, kaas oo diyaargarawgiisa lagu jiro.

 Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliand,  Koore, wuxuu arrintaa kaga hadlay qoraal uu kaga waramay muhiimada Xuska 18-ka May,  isaga oo dhaliilay qaabka uu Xildhibaan Dhakool uga hadlay xuska 18 May.

Mr.  Koore,  wuxuu  tilmaamay in aanu garanayn sababaha keenay in wakhtigan uu xildhibaan Dhakool ka horyimaado Xuska 18-ka May,  isaga oo ka qayb gelayey 28 sannadood ee ay Somaliland jirtay.

“Somaliland 28,sanno oo ay jirtayba waa la xusayey maalinta Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland. Qofka maanta diidayaa horta halkuu ku maqanaa 28,sanno ee la xusayey?  Miyaanu qaranka joogin? Miyaanu nala xusi jirin, haddii la baadho? Waa maxay danta imika halkaa ka gashay?

Somaliland imika may dhalan, lamana aasaasin hada ee Qaran soo jiray inaatba oo la Xusayey, oo loo dabaal dagayey ayay ahayd,  Maaha in qof dano gaara lahi uu ku soo hal qabsado 18,May.” Ayuu yidhi, Koore.

Wuxuuna sheegay in sharciga iyo Dastuurka uu qof walba wax ku yahay, isagoo yidhi, “Qof kastaaba sharciga iyo Dastuurka ayuu wax ku yahay; qofkii sharciga ilaalin waayaa isgagga jabiyey shuruucdii dalka, Xeer kasta oo aad jabisaa wuxuu leeyahy sharci qof ka la mariyo. Dhamaanteen qaranka aynu wax ku nahay qof walabaaba isaggu wax ku yahay”ayuu yidhi, Saleebaan Cali Koore.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post