X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyada Oo Sheegay inay Amiirka Kuwait Gaadhsiiyeen Fariin Dhanbaal Ah Oo Ay Ka Sideen Madaxweyne Siilaanyo

Araweelo News Network

Mohamoud Hashi

Kuwait City (ANN)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md.Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Amiirka guud ee xukuma dalka Kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber.
Sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Wasiirka Madaxtooyada, kulanka ay la yeesheen Amiirka dalka Kuwait oo ka qabsoomay qasriga looga taliyo dalkaas maalintii Axadda, waxa lagaga hadlay arrimo khuseeya abaaraha ka taagan degaanno badan oo Somaliland ah iyo sidii dawladda Kuwait gacan uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saamaynta ku yeesheen.
“Waxa wefti ballaadhan oo aan horkacayo ay la kulmeen Amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabax, kulankaas oo waqti dheer qaatay waxaannu ka wadahalnay duruufaha iyo abaaraha maanta ka jira dalka Somaliland. Waxa aannu boqorka u gudbinnay dhambaal uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u soo qoray oo arrimahaas ka hadlaya, waxaanuna ka codsannay kaalmo degdeg ah inuu boqorku u fudiyo shacbiga Somaliland, iyadoo dalka Kuwait uu yahay waddan aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, horena mashaariic fara badan waddankeenna uga fuliyey,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.
Waxa uu intaas ku daray, “Boqorku arrintaas wuu soo dhoweeyey, waannu garwaaqsaday, haddana waxaannu wadnaa kulamo kale oo fara badan, gadaal ayaanuna ka faahfaahin doonnaa dawladda Kuwait doorka iyo kaalinta ay ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.”
Weftiga Wasiirka Madaxtooyada ee socdaalka ku jooga dalka Kuwait waxa xubno ka ah; wasiirrada Qorshaynta Qaranka, Caafimaadka – Maxamed Ibraahim Qabo, Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yadda Diwaanka Sekada iyo xubin ka tirsan Guddida Qaranka ee Taakulaynta Abaaraha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post