X
    Categories: Warar

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Oo Ugu Baaqay Dawladda Soomaaliya Inay Ixtiraamaan Heshiiskii Labada Madaxweyne

Araweelo News Network


Dubai(ANN)-wasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xukumadda laga soo dhiso Muqdisho iyo Xukumadda loo doorto Somaliland dabayaaqada sanadkan ay dib u bilaabi doonaan wada hadalkii labada dhinac inta ka horaysana loo baahan yahay in Soomaaliya ixtiraamto danaha Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay dalka Imaaraadka oo uu u joogo arrimaha DP World ee dhawaan dhammaystirmay.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya midkoodna mudnaanta koobaad u ahayn wada hadalka maaddaama aan wali la soo dhisin dawladdda Muqdisho, halka Somaliland-na ay gali doonto doorasho “Arrimo badan oo ammaanka Mandaqadu ka mid yahay ayaanu iska kaashana, arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Hasse ahaatee wuxuu sheegay in arrimo ka waaweyn wada hadalladu horyaallan labada dhinacba “Somaliland maanta doorashooyin bay u diyaar garoobaysa, iyaguna(Soomaaliya) mashaakil faro badan bay qabaan oo madaxweynaha cusub iyo dawladdiisa waayo culus oo badan baa horyaalla oo ay tahay inay maanta iska xaliyaan, waxaan u arkayaa in aanay mudnaantu u ahayn wada hadalka Somaliland, sababtoo ah duruufo badan oo daakhili ah baa haya. Anaguna waxaynu nahay umad u xidhxidhan doorashooyin oo dabaysha doorashada ayaa ina haysa, dawladda cusub ee Somaliland ka dhalata waxa u horreeya ee mudnaanta u ah ayuu noqonaya wada hadalku,” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Wasiirku wuxuu sheegay in ay dawladda cusub ee Soomaaliya ixtiraamto heshiiskii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynaha Somaliland galeen ee ku saabsan in aan la carqaladayn arrimaha horumarka iyo iskaashiga labada dal “Waxaan leeyahay ixtiraama heshiiskii labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaan jecelahay inaan farriintaa dheer dhegahooda ku tuuro madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, maamulkiisa iyo Ra’isal wasaaraha intaba,” ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post