X
    Categories: Warar

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliland Oo Sheegay In Lagu Jebiyay Dagaalka Maamul Goboleedka Soomaaliya Ee Puntland

Araweelo News Network

Cabdiraxmaan Guribarwaaqo

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa maamulka Soomaaliya ee Puntland ku eedaysay dagaalka saaka dib uga bilaabmay deegaanka Tukaraq.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guribarwaaqo) ayaa sheegay in Maamulka Soomaaliya ee Puntland weerar lixdii subaxnimo ku soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland.

“ Saaka Abaaro lixdii Aroornimo ayaa ciidamada cago-jiidka ah ee maamulka Farmaajo uu mar kale isku dayay inuu weerar ku soo qaado xuduudaha iyo ciidamada Somaliland ee fadhigiisu yahay Tukaraq, mar naba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan .

Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen ayay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar ka soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu yidhi Wasiir Guribarwaaqo.

Dagaalka Tukaraq oo saaka dib u bilaabmay, ayaa kusoo beegmay, iyadoo ay socdeen dedaalo lagu doonayay in xabad Joojin laga gaadho dagaalka Tukaraq.

Dhinaca Maamul goboleedka Soomaaliya, ayaa dhankiisa ku dooday in iyaga dagaalka lagu soo qaaday, balse Xukuumadda Somaliland ayaa dagaalka masuuliyadiisa dusha u saartay Puntland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post