X
    Categories: Warar

Wasiiro Iyo Saraakiil Ku Nafwaayay Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Laba Qarax oo waaweyn, ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana Labadaa Qarax oo Khasaare geystay lala beegsaday laba goobood oo kala duwan.

 

Dagaallo Culus, ayaa weli ka socda Hoteelka Naasa Hablood ee Magaalada muqdisho, kadib markii maanta gelinkii dambe qarax weyn oo Khasaare dhaliyay ka dhacay halkaa, iyadoo markii qaraxu halkaa ka dhacay ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab gudaha u galeen dhismaha Huteelka.

Sanqadha  Rasaasta iyo qaraxyo loo malaynayo in ay ka dhasheen Bambanooyin ayaa laga maqlayaa gudaha Hoteelka xilligan oo saacaddu ay kasii siqeyso 12:30 waqtiga maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale qaraxa kale, ayaa dhacay wax yar kadib markii qaraxa hore dhacay, waxaana Jira Warar hordhaca oo sheegaya in Khasaare badan uu Ka dhshay qaraxyada Iyo Weerraradaa.

Warar Hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 23 qof ay ku dhinteen weerrarada, kuwaas oo badankoodu ahaayeen Saraakiil katirsan laamaha ammaanka dowladda Federaalka iyo siyaasiyiin.

Wasiirkii arrimaha gudaha Maamulka isku magacaabay ‘Koonfur Galbeed’ Madoobe Nuunoow iyo tiro katirsan saraakiisha maamulka Shariif Xasan ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay toogashada ka socota Hoteelka.

Sidoo kale Taliyihii ciidanka Booliska degmada Dayniile Col.Max’med Yuusuf Fanax horayna usoo noqday taliyaha ammaanka degmada Yaaqshiid iyo Xildhibaan hore oo magaciisu yahay Cabdi Naasir Gaarane Iyo Sarkaal lataliye u ah wasaaradda Amniga  la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii iyo weerarka Hoteel Naasa Hablood2.

Sidoo kale duqii hore ee Magaalada Beled Weyne Cabdi Faarax ayaa ku dhintay weerarka labaad oo ka dhacay Hoteel uu milkiyaddiisa leeyahay Max’med Abuukar Isloow oo ah Wasiirka amniga dowladda Federaalka.

Boqolaal katirsan ciiddamada Dawladda  oo wata Eyda  tababaran ayaa ku Gedaaman dhismaha huteelka  oo rasaas xooggan ay kasoo dhacayso, warar hordhac ah ayaa sheegaya in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerraradaa oo  ay ku nafwaayeen 35 qof oo dhimasho ah, iyadoo tiro intaa ka badan oo dhaawac ah loolan cararay xarumaha caafimadka.

 

Hoteelka Weerarku ka socdo ee Naasa Hablood2 ayaa qiyaastii 600 oo Mitir u jira  madaxtooyada Villa Somalia oo hoy u ah madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.

Al-Shabaab, ayaa sheegatay weerarkaa Iyo qaraxyadaa oo Khasaare dhliyay, Isla markaana Waxa socda hawlgalo la doonayo in lagu soo afjaro Xaalada Ammaanka ee Huteelka Naasa Hablood.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post