X
    Categories: Warar

Weriye Lagu Dhaawacay Muqdisho Iyo Dilalka Oo Kusii Kordhaya

Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa

Muqdisho(ANN)-Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo kamid ah wariyayaasha ka hawgala magaalada Muqdisho, ayaa lagu dhaawacay weerrar qarax ah oo lala beegsaday maanta gelinkii dambe. kadib markii gaadhi uu watay loogu xidhay walxaha qarxa.

Weerrarka, ayaa ka dhacay wadada Maka Al Mukarama xili ku beegan salaaddii Casar, waxaana dhaawaca Weriye Ismail Sheekh Khaliifa la geeyay Cusbitaalka Erdogan ee horre loo odhan jiray Digfeer, iyadoo dhaawac kasoo gaadhay Caloosha iyo jidhka hoose, isla markaana xaaladdiisu tahay mid culus.
Cabdikadir Faarax Dulyar saraakiisha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliya ee ka hawlgala Muqdisho, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qaraxa sababay dhaawaca ee lala beegsaday Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa

Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Dulyar, ayaa u sheegay warbaahinta in ay aad uga naxeen weerarka lagu qaaday wariyaha, isla markaana ay Dowladda Federaalka ka dalbanayaan in gacanta lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyay falkan.

Dhinaca kale, waxa sii kordhaya mudooyinkii u danbeeyay weerrarada qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaas oo aan dadka fuliya cidna ka daba tegin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post