X
    Categories: Warar

Weriye Lagu Khaarajiyay Muqdisho

Araweelo News Network

Weriye Maxamed Ibraahim Gaaboow

Muqdisho(ANN)-Maxamed Ibraahim Gaaboow oo ahaa wariye ka tirsanaa telefishinka Kalsan oo laga leeyahay Soomaaliya, ayaa galabta lagu dilay magaalada Muqdisho, kadib marki sida ay sheegeen wararka la xidhiidha geeridiisa Bam loogu xidhay gaadhigii uu watay.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa sababay geerida Weriyahaa uu ahaa mid loogu xidhay gaadhiga, isagoo xiligaa marayay meel u dhow suuqa kalluunka ee degmada Wadajir ee Muqdisho.

Abwan Cisman Cabdullahi Guure oo ka tirsan mas,uuliyiinta TV-ga Kalsan, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in wariye Maxamed Ibrahim Gaabow uu ku geeriyooday qarax  loogu xidhay gaadhigiisa.

Dadka Aqoonta u lahaa marxuumka, ayaa ku tilmaamay Maxamed Ibraahim Gaaboow inuu ahaa Weriye shaqadiisa guta oo karti badan.

Waa weriyihii Lixaad ee magaalada Muqdisho lagu dilo tan Iyo bilawgii Sanadka. 2017.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post