X
    Categories: Warar

Xiisadda Colaadeed ee Dhextaal Maraykanka iyo Ruushka Oo Meel Xaasiya Maraysa

Araweelo News Network

New York (ANN) Xiisadda coladeed ee dhextaal labada dawladood ee xoogga badan ee Maraykanka iyo Ruushka, ayaa hadda maraysa halkii ugu xumayd tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 1973-kii.
Safiirka dawladda Ruushka u fadhiya Qaramada Midoobay Vitaly Churkin, ayaa xaaladda u dhaxaysa dalkiisa Ruushka iyo Maraykanka la simay xilligii dagaalkii dhexmaray Carabta iyo Israa’iil sannadkii 1973, waqtigaas oo xulafadii Ruushka ee Carabta oo ay hoggaaminayaan Suuriya iyo Maras ay weerar ku qaadeen dhulka ay qabsatay Israa’iil oo uu taageerayey Maraykanku.
“Xaaladda guud sidaan filayo way yar xuntahay marka la eego arrinta waa halkii ugu xumayd tan iyo sannadkii 1973,” ayuu yidhi Vitaly oo u warramayey suxufiyiinta Ruushka ee qaybta ah safaaradooda Qaramada Midoobay Jimcihii.
Safiirka Ruushku waxa uu sheegay in ay jiraan arrimo xasaasi ah oo waqtigan keenay inuu xumaado xidhiidhka Ruushka iyo Maraykanku, waxaannu ku eedeeyey Maraykanka iyo ururka NATO inay ku dhisanayaan ammaankooda xaynbaadka Ruushka, kadib markii ay aqbaleen in waddamada bariga Yurub ee hore uga midka ahaa Midowgii Sofiyeeti inay ka mid noqdaan NATO. Waxa kaloo uu xusay in dawladda Washintongn ka baxday heshiiskii ay ay ku wadajireen ee la xidhiidhay Gantaalaha ka hortaga hubka oo la kala saxeexday 2001.
“Waa arrin salka ku haysa ixtiraam la’aan iyo wadahadal la’aan si qoto dheer loo falanqeeyey arrimaha siyaasadda,” ayuu yidhi Safiirka Ruushku.
Xidhiidhka labadan dal ayaa sii xumaanayey tan iyo markii ay burburtay maalmo yar kadib xabbad-joojin ay ka wada shaqeeyeen Maraykanka iyo Ruushka oo laga gaadhay colaadda Suuriya, wixii markaas ka dambeeyena ciidammada Suuriya oo uu Ruushku taageerayo waxay duqayn ku hayeen magaalada Xalab, tallaabadaas oo Maraykanku uu ku tilmaamay dambi dagaal.
Waxa kaloo arrinta sii xumaysay eedayn dawladda Maraykanku u jeedisay dhigeeda Moscow oo ahayd in Ruushku farogelinayo doorashada Madaxtooyada ee Maraykanka ka dhacaya bisha dambe, isagoo adeegsanaya weerar dhinaca Internetka ah oo uu beryahanba ku jabsanayey kombiyuutarrada hay’adaha muhiimka ah ee Washington, si uu doorashadaasi u helo ninka u ordaya xisbiga mucaaradka ah Mr. Donald Trump.
Arrimahaas oo dhan buu sheegay Safiirku Ruushku inay sii xoojiyeen inuu xumaado xidhiidhka labada dal, inkastoo uu xusay in aanay xaaladdu la mid ahayn tii sannadkii 1973, sababta ah oo weli waxa jira wadashaqayn labada dawladdood ka leeyihiin waxyaabaha ay ku kala qaybsan yihiin.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka Arrimaha Didbadda Ruushka Sergey Lavrov, ayaa wadahadal ay Sabtidii ku yeesheen dalka Switzerland aanay ka soo bixin wax natiijo ahi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post