X
    Categories: Warar

Xildhibaan Lagu Khaarajiyay Muqdisho Oo Al-shabaab Sheegatay

Muqdisho(ANN)Dablay hubaysan ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ku khaarajiyay xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Dawlada Federaalka ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya. Kadib markii tacshiirad lala beegsaday isaga ilaaladiisa.
Xildhibaanka oo lagu magcaabi jiray Cabdullaahi Xuseen, ayaa lagu dilay Degmada Dharkaynleey ee magaalada Muqdisho, waxaana isla goobtaa ku dhintay darawalkiisa iyo laba askari oo ilaala u ahaa. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa lagu khaarajiyay Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen oo ay weheliyeen dareewalkiisa iyo Ilaaladiisa, waxayna Al-shabaab sida ay ku baahisay warbaahinta ku sheegtay fuliyay weerarkaa Mujaahidiin ay sheegeen inay ka tirsan yihiin ciidamadooda.
Xildhibaanka la toogtay ayaa noqonaya kii dhawr iyo tobnaad ee lagu dilo muqdisho, iyadoo ay Al-shabaab hore u balanqaaday inay ugaadhsanayaan madaxda Somalia, isla markaana si gaar ah u balanqaadeen inay xildhibaanada dawlada federaalka ugaadhsanayaan.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post