X
    Categories: Warar

KULMIYE Oo Ka Digay Dad Baraha Bulshadda Sida Facebook Ku Isticmaalaha Magaca Guddoomiye Muuse Biixi

 

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka digay dad qoraalo been abuur ah ku isticmaala barraha Bulshadda ee Internetka, kuwaas oo sida ay sheegeen magaca Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi loo adeegsado, isla markaana waxay ku tilmaameen dadkaa kuwo doonaya inay sumcad-dil ku sameeyaan magaca guddoomiyaha.

Hargeysa(ANN)Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa ka digay dad qoraalo been abuur ah ku isticmaala barraha Bulshadda ee Internetka, kuwaas oo sida ay sheegeen magaca Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi loo adeegsado, isla markaana waxay ku tilmaameen dadkaa kuwo doonaya inay sumcad-dil ku sameeyaan magaca guddoomiyaha.

Sidaana, waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Xisbiga KULMIYE, qoraalkaa lagag hadlay been-abuurka oo uu ku saxeexanyahay Mustafe Iid Maxamed oo ah Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE, ayaa u qornaa sidan:-

“Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.
Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.
Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan.”
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post