X
    Categories: Warar

Xisbiga Mucaaradka Ee WADDANI Oo Hargeysa Ku Qabtay Kulan Hawleed Lagaga Hadlayay Ololaha Doorashada Madaxtooyadda

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN):-Kulan hawleed uu xisbiga WADDANI ku falan-qeynaayey siyaabaha kala duwan ee fariimaha iyo barnaamij siyaasaddeedka xisbigaasi loo gaadhsiin karo guud ahaan shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale u diyaar garowga ololaha doorashada Madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa daba-yaaqada sanadkan, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Ambassador ee Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen kooxda ololaha doorashada Madaxtooyada ee xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana ay ka caawinaysay hay’adda IRI oo ay tobabarkaasi wax ka bixinaayeen khabiiro ku xeel dheer dhinaca ololaha doorashooyinka iyo weli ba sida oo kale siyaabaha kala duwan ee xisbiyadu ay fariimahooda siyaasaddeed u gaadhsiin karaan u na kasban karaan codbixiyeyaasha Doorashada, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Madaxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre, abwaaniin, hal-abuuro, saxafiyiin iyo weli ba sida oo kale aqoonyahanno ku xeel dheer dhinacyada xidhiidhada bulshada oo iskugu jira dhakhaatiirkh, macalimiin iyo weli ba sida oo kale kuwo kale oo ka shaqeeya arrimaha bulshada.

Waxaana kulankan oo socon doona muddo saddex cisho ah ay inta badan diiradda ku saari doonaan siyaabaha ugu habboon ee xisbiga WADDANI uu fariimahiisa siyaasaddeed u gaadhsiin lahaa bulshada Somaliland isla mar ahaantaana bulshadiisa isbedel doonka ah uu xiliyada doorashada iyo inta ka horreysa ba uu u la la wadaagi lahaa fariimo ka fayow cunfi, qabyaalad iyo weli ba sida oo kale kala qoqobidda bulshooyinka Somaliland bari illaa galbeed ee walaalaha ah oo inta badan uu caan ku noqday Xisbiga KULMIYE.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post